Monday, January 2, 2017

Monday, December 19, 2016

Thursday, November 24, 2016

goobo dab qabsaday degmada buuranne

DEG-DEG:GOOBO GANACSI OO KIYIILEY DEGMADA BUURANNE OO DAB QABSADAY

Wararka ka imanaya degmada buuranne ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dab uu baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yiil degmada buuranne ee Gobolka Sh/dhexe.

Dabkan oo kacay xalay ayaa waxa ku gubtay goobo ganacsi oo lagu iibinayay cunto, bagaash iyo shidaal waxaana dabkan uu saameyn ku yeeshay dadweyne faro badan oo ku nool deegaanka Buurane,
Daminta dabkan ayaa waxaa ka qeybqaatay oo u soo gurmaday dadweynaha ku nool deegaanada ku dhow dhow halka uu dabka ka kacay sida tuulada Shaan, Xudurciise,Buurfuule iyo xaafado ka mid ah degmada Mahadayweyn.
Mustaf Cumar Nagey oo kamid ah ganacsatadii ku hanti beeshay dabkan ayaa u sheegay Warbaahinta in dhammaan hanti wixii uu haystay iyo wax ay dad u dhiibteen ay ku gubteen dabkan.
“Waa Qadar Alle waxa walba waxaa  inaad ku sabartaa wixii hanti haystayna waxa ay ku gubteen dabkan oo ay ka mid ahaayeen lacag dollar ah iyo kuwo Shilin Soomaali ah,”ayuu yiri Mustaf Cumar oo ah nin dhalinyaro oo ka mid ahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabka ka kacay deegaanka Buurane.
Maamulka degmada Mahaday ayaa booqday deegaanka Buurane gaar ahaan  goobaha ganacsi ee gubtay, waxana ay la kulmeen ganacsatadii ku hanti beeshay dabka. Lama oga sababta keentay dabkan hase yeeshee maamulka degmada Mahaday ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay dabka.
Dadka ku nool deegaanka Buurane ee degmada Mahaday ayaa waxa ay haatan isu bedeleen beeralay iyadoo hore u ahaa ganacsato ku xirnaa noloshooda gaadiidka ku safra wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada Waqooyi ee dalka.

sawiro goobaha uu dabka ka kacay





www.badrudiinyare.blogspot.com